Ciidamada booliska ee dalka ayaa baadi goobaya afar qof oo looga shakisan yahay argagixisanimo kuwaas oo kala ah, Trevor Ndwiga oo loo yaqaan Idriss Jamaal, Barigi Cabdiqaadir Haila, Saalim Rashid Maxamad oo loo kala yaqaano Chotara Turkibarigi iyo Muxumad Abubakar oo asna loo yaqaano Minishawary.
Afarta qof ayaa la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalanta dalka Soomaaliya.
Booliska ayaa soo saaray abaal marin lacageed oo dhan 10 milyan oo shilin oo la siinayo qofkii soo gudbiya xog ku saabsan halka ay ku sugan yihiin shakhsiyaadkan.