Racfaan la xiriira qorshaha BBI oo la dhageysan doono bisha 1-aad ee sanadka 2022-ka

0
485

Maxkamadda ugu sarreysa wadanka ayaa maanta sheegtay in dacwado racfaan ah oo looga soo horjeedo go’aankii lagu laalay geeddisocodka sharci beddelka ee BBI la dhageysan doono 18-ka ilaa 20-ka bisha koowaad ee sanadka dambe.
Kiisas ay maxkamadda geeyeen madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta , guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada ee IEBC iyo xeer ilaaliyaha qaranka Paul Kihara Kariuki ayaa hal dacwad laga dhigayaa.
Sidoo kale maxkamadda ugu sarreysa wadanka ayaa meesha ka saartay codsi ka yimid Isaac Aluochier oo dalbaday in garsoorayaasha kala ah Njoki Ndung’u, Smokin Wanjala iyo Maxamad Ibraahim aan laga qaybgelin dhageysiga racfaanka.
Shakhsigan ayaa xusay inuu sanadkii 2016-kii guddiga adeegga garsoorka ee JSC u gudbiyay cabasho maadaama uu saddexda xaakin ku eedeyay khaladaad dhanka habdhaqanka ah.
Hasa ahaate ku xigeenka madaxa cadaaladda ee dalka Philomena Mwilu ayaa sheegtay in aynan ka war qabin dacwad laga gudbiyay garsoorayaasha.