Ururka qareennada dalka ee LSK ayaa dalbaday in isbeddel ballaaran lagu sameeyo waaxyaha wasaaradda arrimaha gudaha ee wadanka.
Waxay arrintan u aaneeyeen baahida loo qabo in xal loo helo falalka sharci darrada ee uu afduubku ka mid yahay.
Tani ayaa timid ka dib markii shalay deegaanka Mwingi ee ismaamulka Kitui laga helay Prof. Xasan Nandwa oo maalmihii ugu dambeeyay la raadinayay.
LSK ayaa si gaar ah u dalbatay inay xafiiska baneeyaan wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiangi, xoghayaha joogtada ah ee wasaaraddan Dr. Karanja Kibicho iyo taliyaha guud ee ciidamada booliska Mr. Hillary Mutyambai.