Ismaamulka Nairobi oo hoggaaminayo tirada ugu badan ee da’ayarta uurka qaaday ee sanadkan

0
704

Warbixin uu maanta soo saaray maamulka qaran ee xakamaynta Aids-ka ee NACC ayaa lagu sheegay in ismaamulka Nairobi uu hoggaaminayo tirada ugu badan ee gabdhaha da’ayarta ee uur qaaday.
Xogta NACC ayaa muujinaysa in 2,379 gabdhood ee ku nool Nairobi oo ay da’doodu u dhexeyso 10 ilaa 14 sano ay uur qaadeen 10-kii bilood ee ugu dambeeyay.
Ismaamullada kale ee ugu sarreeya gabdhaha da’ayarta ee uurka qaaday ayaa waxaa ka mid ah Homabay 1,530, Kajiado 1,496, Mandera 1,370 iyo Bomet oo ah 1,041 oo gabdhood.
Waxaa kiisaska ugu yar ee ka dhanka ah uurka da’ayarta laga soo tabiyay dowlad deegaannada kala ah Trans Nzoia, Vihiga, Tharaka Nithi, Nandi, Lamu, Kwale, Kericho, Narok iyo Muranga
Maamulka qaran ee xakamaynta Aids-ka ee NACC ayaa ku baaqay in arrinkan si wada jir wax looga qabto, si loo soo afjaro xadgudubyada ka dhanka ah gabdhaha dhallinta ah.
Sanadkii hore ayay ahayd markii wadanka la soo tabiyay inay kordheen uurka da’ayarta gabdhaha, taas oo loo aaneeyay saameynta cudurka Covid-19, iyo sidoo kale dugsiyada oo muddo 10 bilood xirnaa.