Qareenkii la waayay ee Xasan Nandwa oo laga helay isagoo badqaba magaalada Mwingi

0
596

Waxaa xuriyaddiisa dib u helay garyaqaan Prof. Wilson Xasan Nandwa kaas oo la waayay dabayaaqadi bishii hore.
Qareenka ayaa laga helay magaalada Mwingi ee ismaamulka Kitui isagoo badqaba, balse uu argagax ka muuqday, sida ay qoyskiisa xaqiijiyeen.
Tani ayaa imaaneysaa afar maalmood uun ka dib markii maxkamadda sare ee dalka ay ku amartay booliska inay sheegaan goobta uu ku sugan yahay qareenka, inkastoo adeegga booliska qaranka ee NPS ay iska fogeeyeen ogaanshaha halka uu ku sugan yahay Xasan Nandwa.
Prof. Nandwa ayaa la waayay 28-kii bishii hore, wax yar uun ka dib markii la waayay macaamilkiisa Elgiva Bwire oo uu kasoo siidaayay xabsiga Kamiti Maximum Prison oo u ku jiray muddo 10 sano ah, islamarkaana loo haystay eedeymo la xiriira argagixisanimo.
Mr. Nandwa ayaa la afduubay xilli uu ka soo baxay masjidka Jamia ee magaalada Nairobi salaadii maqrib ee 28-kii bishii hore.
Qoyskiisa ayaa dhanka kale sheegay in booliiska ay u dhaceen guriga qareenka oo ku yaalla magaalada Nairobi iyagoo raadinayay macaamilkiisa Elgiva Bwire habeenkii asaga la waayay.
Waxaa ilaa hadda la la’a yahay macaamilkiisa Elgiva Bwire