Taliyaha militariga Suudaan oo sheegay inaysan dowladda ka mid ahaan doonin ka dib kala-guurka

0
380

Taliyaha ciidamada milatariga wadanka Suudaan Cabdel Fattaax al-Burhan ayaa sheegay in aysan ka qayb ahaan doonin dowlad kasta oo timaada .
Waxaa uu beeniyay in ciidamadu ay mas’uul ka yihiin dhimashada dibadbaxayaal ka soo horjeeda afgembigii militari ee bishii hore.
“Ciidanka Suudaan ma dilaan muwaadiniinta, waxaana jira guddiyo baaritaan oo soo bandhiga waxa dhacay,” ayuu yiri Cabdel Fattaax al-Burhan
Waxaa uu intaa ku daray in maamulka militeriga ay ka go’an tahay inay xukunka ku wareejiyaan dowlad rayid ah oo karti qaran leh, isagoo ballanqaaday inay ka hor taggi doonaan wax kasta oo caqabad horseedi karo.
Resul Serdar oo ka tirsan bahda warbaahinta Al Jazeera, oo la hadlay Burhaan, ayaa sheegay in Jeneraalku uu sheegay in dadku ay xaq u leeyihiin in ay si nabad ah u mudaaharaadaan.
Waxaa uu Serder intaasi ku daray isagoo soo xiganaya taliye Burhaan in wadahadallo ay u socdaan xisbiyada siyaasadeed iyo shakhsiyaad uu ka mid yahay ra’iisul wasaarihii xilka laga tuuray Cabdalla Hamdok oo ku saabsan in la gaaro heshiis lagu dhisayo dowlad.
Waxaa uu sheegay in uu rajaynayo in heshiis la gaaro 24-ka saac ee soo socdo, inkastoo ay jiraan caqabado dhowr ah.
Dibadbaxyada dalka Suudaan ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.