Ahlu sunna oo doonaysa in ay ra’iisul wasaare ka noqoto Galmudug

0
427

Hoggaamiyaha guud ee Ahlu-Sunna Wal Jamaaca, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa faahfahain ka bixiyay qorshahooda Galmudug iyo haddii ay wada-hadallo la galayaan Madaxda Dowlad Goboleedkaasi.
Macalin Maxamuud oo Wareysi siiyay laanta afka soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in ka Ahlusunna ahaan ay Galmudug u deeynayaan doorka Madaxweynaha, iyagana ay leeyihiin doorka Ra’iisul Wasaaraha.
Waxaa uu si cad u sheegay haddii ay dhici waayaan wada-hadallada Ahlusunna iyo Galmudug inay howshooda dowladnimo iska sii wadan doonaan, islamarkaana ciddii soo weerarta ay iska celin doonaan.
”Xalka Galmudug wuxuu kujiraa in la wada fariisto, haddii la diidana anaga Shaqadeena uma joonineyno oo howsheena waan wadaneynaa dadka isku daya inay na soo weeraraana waan iska difaaceeynaa ayuu yiri” Macalin Maxamuud.
Warkan kasoo baxay Guddoomiyaha Guud ee Ahlusunna ka sokow ayaa waxaa mar jirtay in Maxamad Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hoggaanka Ahlusunna in uu ahaa Madaxa Xukuumadda Galmudug oo u dhiganta Ra’iisul Wasaare.