DHAGEYSO:Raila Odinga oo KRA uga digay dhibaateynta ganacsatada yaryar

0
382

Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa sheegay in dadka doonaya inay ganacsi billabaan ay lacago amaah ah ka heli doonaan maamulkiisa isagoo dhanka kale maamulka canshuuraha ee KRA uga digay dhibaateynta ganacsatada yaryar.

Mr. Odinga ayaa intaasi ku daray in hadii loo doorto madaxweynaha dalka uu dabooli doono siyaabaha lagu lunsado kheyraadka dadweynaha si uu u dhaqangeliyo qorshihiisa ah in dowladda ay bil kasta qoysaska uunan wax dakhli ah soo gelin siiso 6,000 oo shilin.