Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa iyaga oo fulinaya Amarkii kasoo baxay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee la xiriiray amniga ayaa waxa ay howlgal ka sameeyeen meelo kamid ah Magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa howlgallo gaar ah ka sameeynayay waddooyinka dhexmara degmooyinka Gobolka Banaadir, iyaga oo baaritaan ku sameeynayay, Gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo dadweynaha waddooyinka maraya.
Saraakiisha Booliska qaybta Waliyow Cadde iyo kuwa Jakboontiyada guur guura ayaa howlgalka sigaar ah waxaa ay uga fuliyeen degmooyinka Howlwadaag, Hodan iyo Waaberi, waxaana uu ahaa mid amniga lagu xaqiininayay, sidoo kale lagula dagaalamayay waxyaabaha maanka dooriya.
Saraakiisha Booliska ee howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in ujeedka howlgalkooda uu yahay ka hortegidda waxyaabaha maanka dooriya & dadka Baraha Bulshada gaar ahaan Aalada Tiktok kusoo bandhiga waxyaabaha Anshax xumada ah, iyaga oo fulinaya amarkii Taliyaha Ciidanka Booliska Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.
Intii uu howlgalka socday ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee waddooyinka Maka Al-Mukarama, Wadnaha iyo 30-ka, halkaas oo howlgalka xooggiisa ay Ciidamadu ka fuliyeen.
Home Wararka Soomaaliya Ciidanka dowladda Soomaliya oo howlgal ka bilaabay Muqdisho ka dib amarkii Xijaar