Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa sheegay in 9-ka bisha 12-aad ee sanadkan uu shaacinaya inuu sanadka soo socdo u tartamaya hoggaanka wadanka iyo in kale.
Mr. Odinga ayaa xusay inuu weli taageero u raadinaya ololihiisa Azimio La Umoja ee mideynta bulshada.
In kastoo Raila uu u muuqdo inuu qayb ka yahay loolanka siyaasadeed ee ku aaddan madaxtinimada wadanka haddana weli si rasmi ah umuunan shaacin musharraxnimadiisa.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay inuu weli socdaal ku maraya ismaamullada kala duwan ee Kenya iyadoo uu qorshuhu yahay inuu gaaro Ukambani iyo qaybo ka tirsan gobolka bartamaha.
Bishii siddeedaad ee sanadkan ayay ahayd markii uu Raila ismaamulka Nakuru ka billaabay ololaha hiigsiga mideynta shacabka.
Xilli uu shalay ku sugnaa xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee magaalada Nairobi ayuu Raila Odinga sheegay inuu fahansan yahay culeyska dhaqaale ee uu cudurka COVID19 ku keenay shacabka sidaas awgeedna uu jiro qorsho uu doonayo in caqabaddan lagu xalliyo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in hadii uu ku guulaysto hoggaanka wadanka, sanad walbo dhaqaalaha la kobicin doono ugu yaraan boqolkiiba 10.