DHAGEYSO:William Ruto oo soo dhaweyay cid kasta oo doonaysa inay la shaqeyso UDA

0
382

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inuu xisbiga UDA ku soo dhaweynayo madaxda doonaya inay qayb ka noqdaan horumarinta wadanka.
Xilli uu shalay ku sugnaa magaalada Gilgil ee ismaamulka Nakuru ayuu carrabka ku adkeeyay inuu garabsan doono dhinacyada aaminsan wanaajinta nolosha malaayiin kenyaan ah.
Ruto ayaa sheegay inay iskaashi la sameynayaan cid kasta oo la dhacsan qorshihiisa siyaasadeed ee ah in kobcinta dhaqaalaha wadanka laga soo billaabo meel hoose iyadoo la taageeraya danyarta iyo ganacsiyada yaryar.
Madaxweyne ku xigeenka dalka waxaa uu tilmaamay in Kenya ay wajahayso culeys dhaqaale sidaas awgeedna uu dhammaan madaxda ugu baaqayo inay ka wada shaqeyaan sidii hoos loogu dhigi lahaa sicirka dhanka maciishadda.

Dhanka kale xulafada madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa ugu baaqay hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka inuu ku soo biiro xisbiga UDA