Wasaaradda arrimaha dibadda ee boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay cambaareyneyso iskuday lagu doonayay in laga takhaluso ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq Mustafa Al-Kadhimi.
Waxaa weerarka loo adeegsaday mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku tilmaantay fal argagixiso oo fuleynimo ah, sida laga soo xigtay TV-ga Al-Carabiya ee laga leeyahay dalka Sacuudiga.
Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano drones ayaa weerarka ku qaaday hooyga ra’iisul wasaaraaha dalka Ciaaq ee magaalada Baghdad.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaradda laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Ilo wareedyo ka tirsan waaxyaha ammaanka ee Ciraaq ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in weerarka ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 6 ka mid ah ciidamada ilaalada ee ra’iisul wasaaraha dalkaasi.
Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda falkaasi.