Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in isaga iyo dhigiisa dambi baarista George Kinoti aynan ka dhexeyn wada shaqeyn wanaagsan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in mararka qaar si aan sax ahayn loo fasiro tallaabooyin ay qaadaan hay’adahan.
Mr. Xaaji ayaa hoosta ka xarriiqay in aynan khalad ahayn in mid ka mid ah labadan waaxood uu tago maxkamadda iyadoo uu codsanaya faahfaahin sharciyeed oo ku aaddan arrin lagu kala aragti duwan yahay.
Dhanka kale waxaa uu mas’uulkan sheegay in dhawaan la guda geli doono howlaha dacwad oogidda ee kiiska dilkii Agnes Wanjiru oo dhacay 9 sano ka hor kaasoo lagu eedeyay sarkaal u dhashay Ingiriiska.