10 carruur ah oo ku geeriyootay gobolka Shabeellada Hoose

0
599

Wararka aan Helayno ayaa waxay sheegayana in Carruur ay tiradoodu gaarayso ilaa 10 ay ku geeriyoodeen Gobolka shabeelada Hoose ee Koonfurta Sooomaaliya kadib markii uu haleelay Cudurka Shuban biyoodka oo ka dilaacay Xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku taal duleedka magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose
Dadkaan ayaa waxay kasoo barakaceen in ka badan 40 Tuulooyin ah oo ku yaal gobolkaasi, waxayna wararku Tilmaamayaan in xaaladado bani’aadanimo ay halkaas ku heysato, iyaga oo an helin wax gurmad ah.
Qaar kamid ah dadka Barakacayaasha ah oo la hadlay Warbaahinta gudaha Soomaaliya ayaa sheegay inay Wajahayaan dhibatooyin kala duwan,oo ay ka mid yihiin Hoy la’aan, Raashin la’aan,Biyo la’aan iyo agabyada kale ee Muhiimka u ah nolosha Bani’adamka.
Waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya & Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadkaasi.
Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ku nool kumanaan qoys barakacaal ah, oo abaar iyo dagaalo uga soo barakacay degaano kale oo ka tirsan Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.