Laamaha ammaanka ee ismaamulka Marsabit ayaa gacanta ku dhigay baabuur siday hub sharci darro ah.
Gaariga ayaa laga qabtay deegaanka Elle borr ee waqooyiga ismaamulka Marsabit.
Saraakiisha waaxda ilaalada xuduudaha ee (BPU) ayaa sidoo kale xiray afar tuhmane oo labo ka mid ah ay ahaayeen sarakiil ka tirsanaa dowladda ismaamulkaasi.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Marsabit Paul Rotich ayaa sheegay in baabuurkii hubka sharci darrada siday ay lahayd waaxda biyaha ee Marsabit.
Dadka la qabtay ayaa waxaa ka mid ah labo qof oo asal ahaan ka soo jeedo dalka Itoobiya.
Gaariga la qabtay iyo tuhmanayaasha ayaa lagu hayaa saldhigga booliska ee Turbi.
Mr .Rotich ayaa intaa ku daray in hubka la soo helay ay isugu jiraan qoriga nooca ay soomaalidu u taqaana shimbiraleys iyo 10 xabadood waxaana haatan socdo baaritaano ku aaddan halka hubka laga keenay iyo meesha loo waday.
Guddoomiyaha ayaa ku celceliyay sida ay dowladda uga go’an tahay soo celinta ammaanka iyo xasiloonida deegaanada ismaamulka Marsabit.
Waxaa u sidoo kale sheegay in dowladdu ay qorsheyneysa in ay sameyso howlgal amni oo aad u ballaaran si shacabka haysta hubka sharci darrada looga qaado oo loo badbaadiyo nolosha iyo hantida dadweynaha.
Rotich oo sidoo kale ah guddoomiyaha guddiga amniga iyo sirdoonka ee ismaamulka Marsabit ayaa xusay in talaabooyin adag la qaaday si loo hubiyo in hub sharci darro ah ama rasaas aan la keenin dowlad deegaankaasi ama aysan ka bixin.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in hubka la qabtay loogu tala galay dhinacyo ku dagaallamaya xuduudda deegaannada Turbi iyo Sololo ee Marsabit.
Qoraalka DCI waxaa qayb ka ah in dhanka kale lagu raadjoogo wakiilka deegaanka hoose ee Sololo Halkano Konsa.
Eedeysanayaasha ayaa maxkamadda la soo taagi doonaa berri oo Isniin ah halka hubka baaritaano dheeraad ah lagu sameyn doono si caddeyn ahaan maxkamadda loogu soo bandhigo.
Dhanka kale Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in ay wado baaritaano ku aaddan dhacdo uu nin ku dilay xaaskiisa iyo labo carruur oo uu dhalay.
Falkan ayaa laga soo tabiyay deegaanka Mbeere ee ismaamulka Embu.
Saddexda qof ee uu eedeysanaha dilay ayay da’doodu kala ahayd 28, 9 iyo 5 sano.
Laamaha ammaanka waxaa falkan ku soo wargeliyay Anthony Munyiri oo ka mid ah mas’uuliyiinta qaabilsan dhanka maamulka.
Wararka ayaa intaa ku daraya in eedeysanaha uu hadda ku jiro gacanta saraakiisha ammaanka iyadoo ciidamadu ay ku dadaalayaan in ay ogaadaan sababta uu qaar ka mid ah xubnaha qoyskiisa u laayay.