Moussa Faki Mahamat ayaa mar kale loo doortay guddoomiyaha guddiga midowga Afrika ka dib markii ay codkoodu ku taageereen ku dhawaad dhammaan xubnaha daladdan.
Codeynta ayaa dhacday galinkii dambe ee shalay waxaana ku soo baxay Mr. Faki .
Waxaa mas’uulkan u codeeyay 51 xubnood halka saddex ay ka aamustay.
Moussa Faki ayaa helay 15 codad oo dheeraad ah marka loo barbardhigo xilligii hore.
Ninkan oo dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Chad waxaa ku xigeen u noqonaysa Dr. Monique Nsanzabagwana oo u dhalatay Rwanda.
Guddiga midowga Afrika oo ah xoghaynta AU-da waxaa uu ka kooban yahay guddoomiye , ku xigeen iyo 8 saraakiil sar sare ah.