Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo maanta isku soo bax siyaasadeed ka sameeyay California, xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji magaalada Nairobi ayaa mar kale difaacay qorshihiisa ah in hadii uu sanadka soo socdo ku guulaysto xilka madaxtinimada wadanka uu bil kasta qoysaska danyarta ah siin doono 6,000 oo shilin.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in qorshahan uu yahay mid la dhaqangelin karo isagoo dhaliil u jeediyay siyaasiyiinta aan weli hadalkiisa rumeysan.
Mr. Odinga ayaa xusay in dhaqangelinta qorshahan uu u adeegsan doono khibradiisa maadaama uu horay maamulladii kala duwanaa ee dalka soo maray uu xilal ka soo qabtay.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay in la guda galayo waxa uu ku tilmaamay kacdoon dhaqaale oo dhallinyarada shaqo la’aanta ah lagu garab qabanayo.