Dowladda dhexe oo soo saaraysa lacagaha agoonta iyo waayeellada

0
609

Waaxda dowladda dhexe u qaabilsan badbaadinta bulshada ayaa ismaamulka Nakuru ku daahfurtay barnaamij lacago lagu siinaya dadka dhibaatooyinka u nugul sida waayeellada, carruurta iyo naafada.
Ilaa 3,889 qof oo ka mid ah dadweynaha Nakuru ayaa lacagahan loogu wareejinayaa akoontiyadooda bangiyeed.
Bartamihii sanadkii hore ayay ahayd markii ay dowladdu sheegtay in 1.09 milyan oo qof ay ka faa’iidaysteen taageerada dhaqaale ee labadii biloodba hal mar ah la siiyo waayeellada 70 sano jirka ah iyo wixii ka wayn.
Dhawaan ayay ahayd markii aqalka sare uu waaxda badbaadinta bulshada ku amray inay diiwaangeliso 350,000 oo waayeello dheeraad ah.