Waxaa lagu soo warramayaa in weerar mindi loo adeegsaday lagu qaaday tareen ka mid kuwa aadka u hawaare dheereeya ee dalka Jarmalka, ayaa waxaa ku dhaawacmay dhowr qof, sida ay booliisku xaqiijiyeen.
Booliska maxalliga ee wadankaasi ayaa wakaaladda wararka ee AP uu sheegay in weerarka uu dhacay shalay abaare 9-kii subaxnimo ee saacadda dalkaasi.
Tareenka ayaa la sheegay inuu u kala safrayay magaalooyinka Bavarian ee Regensburg iyo Nuremberg ee dalka Jarmalka ee xilligii uu weerarka dhacay.
Waxaa weerarka loo xiray hal nin oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Syria sida warbaahinnada qaar sheegeen.
Booliska ayaa dhanka kale sheegay in dad badan ay ku dhaawacmeen weerarka balse tirada aan haantan la cayimi karin.
Afhayeen u hadashay booliiska ayaa sheegtay in midkood dadka ay dhaawacyadu soo gaareen uunan halis ahayn.
Jarmalka ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay ka dhacayay rabshado ka dhan ah kooxaha hubeysan iyo kuwa midigta fog, iyadoo sidoo kale dhowr weerar ay dalkaasi ka dhaceen tan iyo sanadkii 2015-kii.
25-kii bishii Lixaad ee sanadkan ayay ahayd markii, saddex qof la dilay halka shan kale la dhaawacay, weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Wuerzburg ee koonfurta Jarmalka.