DHAGEYSO:Kibicho:Waxaa noo baaqatay 10 milyan oo aan ku soo iibin jirnay sunta dadka ka ilimeysiisa

0
505

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Karanja Kibicho ayaa sheegay in tan iyo markii bishii saddexaad ee sanadkii 2018-kii ay heshiiyeen madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ay dowladda u baaqatay lacag dhan 10 milyan oo shilin.
Waxaa uu xusay in dhaqaalahan bil kasta loo adeegsan jiray in lagu soo iibsado sunta dadka ka ilimeysiisa ee ay ciidamada ammaanka ku kala eryaan dibadbaxayaasha.
Kibicho oo carrabka ku adkeeyay in heshiiskii Uhuru iyo Raila uu dalka xasilooni buuxda u horseeday ayaa hoosta ka xarriiqay inay hadda ka baaran degayaan waddan qalalaase ka jiro oo ay ku caawin karaan suntan maadaama sida uu hadalka u dhigay aan looga baahneyn gudaha dalka.

Wasiirka wasaaradda beeraha ee wadanka Peter Munya ayaa dhankiisa sheegay inay lagama maarmaan tahay in laga faa’iidaysto jawiga deggan ee siyaasadeed ee dalka ka jiro.