Ugu yaraan 500 oo ka mid ah ururrada u dhaqdhaqaaqa xuquuqda bulshada ee dalka Myanmar ayaa qaramada midoobay ka codsaday inay qaado tallaabooyin lagu joojinaya xadgudubyada ciidamada militariga ee wadankaasi.
Waxay sheegeen inay sare u kaceen rabshadaha ka taagan galbeedka Myanmar.
Hay’adda xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch (HRW) ayaa soo saartay bayaan ay wakiil kaga tahay kooxo dhan 521 oo isugu jiro maxalli iyo caalami.
Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayay u soo jeediyeen inuu ansaxiyo qaraar arrinkan ku saabsan oo uu falcelin sameeyo ka hor inta aynan xaaladdu sii xumaan.
Myanmar ayay dhibaatooyin amni ka jireen tan iyo koowdii bishii labaad ee sanadkan xilligaasi oo uu milatarigu xukunka ka tuuray maamulkii rayidka ee dalkaasi hoggaaminayay.