Amar ka dhaqan galay ismaamulka Laikipia

0
494

Waxaa ismaamulka Laikipia ka dhaqan galay amar mamnuucaya in dadweynaha ay magaalooyinka waawayn iyo xarumaha laga dukaameysto ku dhex sitaan hubka noocyadiisa kala duwan xita mindiyaha.
Taliyaha booliska ee dowlad deegaankaasi John Nyoike ayaa arrinkan shaaciyay.
Waxaa uu sheegay in ciddii aan amarkan u hoggaansamin la xirayo dibna lagu soo oogaya dacwad maxkamadeed.
Taliyaha ayaa xusay in arrintan ujeedada laga leeyahay ay tahay yareynta kiisaska weerarrada iyo hanjabaadaha bulshada dhexdeeda gaar ahaan marka ay ku sugan yihiin xarumaha ganacsi ee ku yaalla degmooyinka Rumuruti, Ol-Moran iyo Dol dol.