Xildhibaankii hore ee deegaanka waqooyiga Laikipia oo lagu xukumay xabsi hal sano ah

0
428

Mudanihii hore ee deegaanka waqooyiga Laikipia Mathew Lempurkel ayaa lagu soo warramayaa in lagu xukumay xabsi muddo hal sano ah ka dib markii uu qof dhibaato u gaystay.
Waxaa xukunkan soo saartay garsoore sare Hellen Onkwani iyadoo xildhibaanka hore uunan fursad u helin in lacag lagu ganaaxo ama lagu siidaayo.
Mr. Lempurkel ayaa lagu eedeeyay in uu weeraray xildhibaannada haatan waqooyiga Laikipia ku matasha golaha qaran ee xeer dejinta Sarah Korere 21-kii bishii 11-aad ee sanadkii 2016-kii, xilli ay ku sugnayd dhismaha Harambee ee magaalada Nairobi.
Sida ay ku warrameysa warbaahinta maxalliga ee Citizen, Lempurkel ayaa si ula kac oo sharci darro ah u weeraray Sarah Korere, isagoo ka dharbaaxay dhabanka bidix sidoo kalena haraantii caloosha kaga dhuftay , taasoo keentay inuu dhaawac u gaystay.
Lempurkel ayaa sanadkii 2016-kii la sheegay in uu Mrs. Sarah Korere ku dhibaateeyay xafiiska wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Joseph Nkaissery.