Waddo ku taalla Nairobi oo loogu magacdaray madaxa xisbiga ODM

0
655

Wadada Mbagathi Way ee magaalada Nairobi ayaa laga beddelay magaca waxaana hadda loo yaqaana Raila Odinga Way.
Tani ayaa timid ka dib markii wakiillada golaha hoose ee caasimadda dalka ay ansaxiyeen mooshin arrinkan ku saabsan oo uu bishii hore ee Oktoobar hor dhigay wakiilka laga soo doortay deegaanka hoose ee Makongeni Peter Imwatok.
Mr. Imwatok ayaa xilligaasi ku dooday inay lagama maarmaan tahay in ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga lagu sharfo kaalintii uu ka soo qaatay horumarka Kenya gaar ahaan arrimaha dimuqraadiyadda iyo dhaqaalaha.
Waxaa uu intaasi ku daray inay muhiim tahay in shakhsiyaadka wax ku biiriyay siyaasadda dalka la sharfo inta ay nool yihiin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in isbeddelkan uu xalay dhacay waxaana hadda wadadaasi ka muuqdo magaca Mr. Odinga.
Mary Arivisa oo golaha hoose ee ismaamulka Nairobi si magacaabid ah ku gashay ayaa dhankeeda soo jeedisay in sidoo kale dugsiga hoose dhexe ee Mbagathi loogu magacdaro Raila Odinga hasa ahaate taasi ayaan weli dhaqangelin.