Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC ayaa sheegay in abaare 5:30 galabnimo ee maanta uu soo xiri doono diiwaangelinta codbixiyeyaasha cusub.
Barnaamijkan ayaa soo billowday 4-tii bishii hore ee Oktoobar.
Go’aanka IEBC ayaa yimid ka dib markii maxkamadda sare ee dalka ay meesha ka saartay amar ahaa in diiwaangelintu aan la soo xirin ka hor 9-ka bishan.
Guddiga doorashooyinka ayaa tilmaamay inuunan haysan dhaqaale ku filan oo uu diiwaangelinta ku sii wadi karo wixii maanta ka dambeeya.
Guddoomiyaha IEBC Mr. Wafula Chebukati ayaa sheegay inay soo bandhigi doonaan warbixin faahfaahsan oo la xiriirta tirada guud ee dadweynaha la diiwaangeliyay .
Waxaa uu intaasi ku daray in guddigu uu diiwaangelinta dib uga billaabi doono xafiisyada uu ku leeyahay deegaan baarlamaneedyada dalka halka sidoo kale qiimeyn lagu sameeynaya diiwaanka codbixiyeyaasha.