Ku dhawaad 8 qof oo lagu dilay weerar burcad ay ka gaysatay ismaamulka Marsabit

0
371

Ugu yaraan 8 qof ayaa la dilay ka dib markii koox burcad ah oo aad u hubeysan ay weerar ku qaadeen gaari ay dad shacab ah la socdeen.
Falkan ayaa laga soo tabiyay inta u dhexeysa magaalooyinka Marsabit iyo Badasa.
11 kale oo ka mid ah rakaabkii saarnaa gaariga nooca xamuulka qaada ee loo yaqaano Kantada ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan waxaana la geeyay isbitaalka wayn ee ismaamulka Marsabit halkaas oo haatan lagu daweeynayo.
Dadka dhintay, ayaa la sheegay inay isugu jireen shan dumar ah iyo saddex rag ah iyadoo baabuurku uu siday rakaab aan tiradooda la cayimin.
Guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe ku matala ismaamulka Marsabit David Saruni oo dhacdadan xaqiijiyay, ayaa sheegay in falkan uu ka dhacay meel 5 kiilomitir u jirta magaalada Marsabit.
Waxaa uu intaa ku daray in aan tafaasiil dheeraad ah weerarka laga hayn.
Mr. Saruni ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan laamaha ammaanka isla markiiba goobta loo diray, iyadoo haatan ay ku daba jiraan burcadda weerarka gaysatay.
Waxaa uu wacad ku maray in dowladdu ay si naxariis la’aan ah ula macaamili doonto dadka lagu tuhmayo weerarka.
Mr. David ayaa ka codsaday dhammaan dadka haysta hubka sharci darrada ah inay dowladda ku soo wareejiyaan.
Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe ku matala ismaamulka Marsabit David Saruni ayaa ugu baaqay dadka deegaanka inay isdejiyaan iyadoo ay sare u kacday xiisadda ka taagan dowlad deegaankaasi taasoo la xiriirta dilalka.