Guddoomiye ku xigeenka waqooyiga xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee magaalada Nairobi Jawaahir Maxamad Muuse oo wareysi gaar ah siisay idaacadda Star FM ayaa sheegtay inay jiraan kaarar badan oo ah kuwa Huduma oo aynan weli qaadan shacabkii isku diiwaangeliyay ee loo soo saaray.
Waxay dadweynaha ugu baaqday inay tagaan xafiisyada guddoomiye xaafadeedyada si ay kaararkooda ugala soo waregaan dowladda.
Waxay dhanka kale digniin dhanka guurka ah u jeedisay gabdhaha oo ay u sheegtay inay aad uga digtoonaadaan inay khiyaanaan qaar ka mid ah ragga ka yimaada qurbaha.
Audio Player