Golaha ismaamullada dalka oo dhaqaale dheeraad ah dalbanaya

0
479

Golaha ay ku mideysan yihiin hoggaamiyaasha ismaamullada wadanka ee COG ayaa ka soo horjeestay go’aan dhawaan uu qaatay maamulka qaabilsan qoondeynta dakhliga ee CRA.
Maalinkii Talaadada ayay ahayd markii uu guddiga CRA dhinac iskaga dhigay codsiga barasaabyada ee ahaa in miisaaniyadda ay ka helaan dowladda dhexe la kordhiyo oo la gaarsiiyo 381 bilyan oo shilin.
Guddoomiyaha guddigan Jane Kiringai ayaa sheegtay in codsigaasi aan la tixgelin karin sidaas awgeedna dowladda dhexe ay ismaamullada siinayso dhaqaale dhan 370 bilyan.
Hasa ahaate golaha barasaabyada ee COG ayaa ku doodaya inuusan jirin wax qiil ah oo loo cuskan karo in loo diiday kordhin dhaqaale.
In kastoo Jane Kiringai ay go’aankooda ku saleysay deymaha badan ee wadanka lagu leeyay iyo doorashada guud ee soo socoto haddana hoggaamiyaasha dowlad deegaannada ayaa ku adkeysanaya in qodobbadaasi aan lagu saleyn karin qaybsashada dakhliga wadanka.
Guddoomiyaha guddiga maaliyadda , qorsheynta iyo arrimaha dhaqaalaha ee golaha COG ahna barasaabka ismaamulka Laikipia Nderitu Muriithi ayaa bayaan uu maanta soo saaray ku sheegay in aynan dib uga laaban doonin dalabka ah in lagu wareejiyo miisaaniyad ah ugu yaraan 380 bilyan oo shilin.