Dugsiga sare ee Chavakali ee Vihiga oo la xiray

0
585

Waxaa si lama filaan ah albaabada la isugu dhuftay dugsiga sare ee wiilasha ee Chavakali oo ku yaalla ismaamulka Vihiga ee galbeedka dalka.
Tani ayaa timid ka dib markii ay xalay ardayda sameeyeen dibadbax iyagoo gaystay burbur hantiyeed.
Maamulaha xaruntan waxbarasho John Kuira ayaa sheegay inay dugsiga xireen ka dib markii ay xaaladda faraha ka baxday.
Waxaa uu intaasi ku daray in ardayda ay jajabiyeen daaqadaha fasallada dugsigaasi.
Tani ayaa ku soo beegmaysa afar cisho un ka dib markii dab la qabadsiiyay mid ka mid ah goobaha jiifka ee dugsiga Chavakali.
Dowladda dhexe ayaa sheegtay in ardayda dhigta dugsiyada sare ee wadanka ay fasax nasasho ah geli doonaan 19-ka ilaa 23-ka bishan November si loo xakameeyo rabshadaha ay qaar ka mid ah ku kacayaan.