Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka xadka ay la wadaagto dalka Itoobiya ka dib markii wadankaasi shalay looga dhawaaqay xaalad degdeg ah .
Afhayeenka ciidamada booliska ee dalka Bruno Shioso oo la hadlay idaacadda maxalliga ee Capital FM ayaa sheegay in dagaalka ka socdo xuduudda dalka Itoobiya uu saameyn ku yeelan karo Kenya iyo dalalka kale ee deriska ah.
Waxaa uu xusay in sidaas darteed ay ku baaqayaan in kaliya la feejignaado.
Mr. Shioso ayaa tilmaamay in aysan jirin khatar gaar ah oo dalka ku soo wajahan xilligan, isagoo intaa ku daray in tallaabadan looga gol-leeyahay in hay’adaha ammaanka ay diyaar ahaadaan islamarkaana fejignaadaan.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay inay dhici karto in dad qaxooti ah ay ka soo cararaan dagaalka gobolka waqooyi ee Tigray ee wadanka Itoobiya sidaas awgeedna laamaha ammaanka laga doonaya inay taxaddar muujiyaan.
Shalay ayay ahayd markii golaha wasiirrada ee wadanka Itoobiya ay ku dhawaaqeen xaalad degdeg oo dalka oo dhan ah, kaasoo socon doono muddo dhan lix bilood.
Waxaa uu maamulka caasimadda Addis Ababa u sheegay shacabka inay u diyaar garoobaan sidii ay u difaaci lahaayeen magaala madaxda wadankaasi.
Tani ayaa ku soo aadeyso iyadoo dagaalyahannada ka soo jeeda gobolka waqooyi ee Tigray ay ku hanjabeen in bartilmaameedkoodu yahay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.
Xaaladda degdegga ah ee lixda bilood ah ayaa waxaa ka mid ah in la sameeyo isbaarooyin, in la hakiyo adeegyada gaadiidka, in bandow lagu soo rogo wadankaasi iyo in ciidamada ay la wareegaan meelaha qaar.