Israel oo duqeymo ka fulisay Syria

0
439

Diyaaradaha dagaalka ee maamulka Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa inay duqeymo dhanka cirka ah ka gaysteen duleedka caasimadda dalka Suuriya ee Dimishiq.
Warbaahinta dowladda Suuriya ayaa baahisay in aroornimadii hore ee maanta la adeegsaday gantaallo dhowr ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu jiro khasaare ka dhashay howlgalka militari ee Israa’iil in kastoo aan la cayimin.
Israa’iil ayaan dhankeeda weli ka hadlin weerarka ay ka fulisay gudaha Suuriya.
14-kii bishii hore ayay ahayd markii howlgal noocan oo kale ah ay Israa’iil ku dishay 9 lagu tilmaamay dagaalyahaano daacad u ah dowladda dalkaasi.