Xildhibaannada oo ku hanjabay in aynan ansaxin doonin heshiis dhanka difaaca oo Kenya kala dhexeeya Ingiriiska

0
367

Xubnaha guddiga baarlamaanka ee arrimaha gaashaan dhigga iyo xiriirka dibadda ayaa sheegay in aynan ansaxin doonin heshiis ku saabsan iskaashiga difaaca ee Kenya iyo Ingiriiska.
Waxay dalbadeen in dowladda Kenya ay ku dadaasho sidii wadanka loo keeni lahaa sarkaal u dhashay Britain oo lagu eedeyay inuu 9 sano ka hor dilay haweeney Kenyaan ah.
Mudanayaasha ayaa wasiirka difaaca ee Kenya Mr. Eugene Wamalwa ka dalbaday inuu xaqiijiyo in eedeysanaha dib loogu soo celiyo dalka si halkan loogu maxkamadeeyo.
Waxay sheegeen in haddii aynan caddaalad helin xubnaha qoyska ay ka baxday Agnes Wanjiru ay meesha ka saarayaan heshiiska ay ciidamada UK ku joogaan magaalada Nanyuki ee ismaamulka Laikipia.