Baarlamaanka oo loo soo jeediyay inuu sharci ka soo saaro la tacaalidda dab qabadsiinta dugsiyada

0
432

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Baringo Gladwell Cheruiyot ayaa dooneysa in golaha qaran ee xeer dejinta ee dalka uu soo saaro sharci lagula tacaalayo dhibaatooyinka isa soo taraya ee lagu gubaya dugsiyada dalka.
Waxaa ay sheegtay in bishii hore oo kaliya in bartamaha dowlad deegaanka Baringo dab lagu qabadsiiyay sideed iskuul.
Waxaa ay intaa ku dartay in dhallinyarada falalkan ku kacaya lala xisaabtamo hadii dhacdooyinka noocaan oo kale ah la doonayo in la soo afjaro.
Hadalkan ayay ka jeedisay deegaanka Kabarnet ee ismaamulka Baringo iyadoo sidoo kale walaac ka muujisay habdhaqanka liita ee hay’adda nidaaminta tamarta ee ku aaddan dhaqangelinta tallaabooyinka lagu joojinayo bartroolka lagu iibiyo caagagga.
Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe ku matala ismaamulka Baringo ayaa ku eedeeyay waalidiinta anshax xumada ardayda.
Agaasinka waaxda dambi baarista ee DCI-da ayaa uga digay ardayda inay ku kacaan falal dambiyeedyada iyo rabshadaha taas oo saameyn ku yeelan karta marka ay dugsiyada ka baxaan.
DCI ayaa sheegtay in la diiwaangelinayo fal dambiyeed walbo oo ardaygu sameeyo si marka la siinaya shahaadada la xiriirta hab-dhaqankiisa, waxyaabahan loogu soo bandhigo.
Tan iyo markii dib loo furay dugsiyada dalka waxaa isa soo tarayay dhacdooyinka ay ardayda dab ku qabad siinayaan dugsiyada iyo weerarrada ay u gaysanayaan macallimiinta.