Madaxda Maamul Goboleedyad dalka Soomaaliya kajira oo ku sugan dhamaandood Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxay halkaas ku yeesheen kulan ay uga hadlayeen xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.
Madaxweynayaasha, Maamulada Galmudug, Hir-Shabeelle, Jubbaland, Puntland, iyo Koonfur Galbeed ayaa shir xalay Dhuusamareeb uga qabsoomay waxaay wararku sheegayaan inay uga hadleen sida ay noqon karto xaalada dalka wixii ka dambeeya 8-da bishaan Febaraayo maadaama uu dhamaaday mudada xilheynta Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.
Kulankooda ayaa waxaay sidoo kale ku falan qeeyeen xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya, iyagoo ujeedka kulankooda uu yahay sidii loo keeni lahaa xal kale oo ku aadan arrimaha doorashooyinka madaama uu fashilmay shirkii Magaalada Dhuusamareeb ay isugu tageen hogaanka dalka ugu Sareeya iyo kuwa maamulada.
Wararka ayaa sheegaya in madaxda shanta Maamul goboleed ay sii joogi doonaan Magaalada Dhuusamareeb illaa labo cisho, waxayna ka qeyb geli doonaan Munaasabadda Sanad guurada koowaad ee doorashadii Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Wararka laga helayo kulanka ayaa waxay Tilmaamayaan in Madaxweynayaasha shanta Maamul Goboleed ay War murtiyeed ka soo saari doona xaalada siyaasadeed ee dalka kadib wada hadaladooda.
Shirkii Magaalada Dhuuamareeb uga qabsoomay Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya, Maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wax natiijo ah aysan kasoo biixn, waxaana taasi ay walaac badan ku abuurtay saamileyda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya maadaama xili doorasho loo balansan yahay sidoo kalena ay lagama maarmaan tahay in doorashada la isku raaco si wadanka uusan dhibaato u galin.