Ku dhawaad 20 qof oo lagu dilay qarax ka dhacay Afghanistan

0
460

Ugu yaraan 19 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qarax mataano ah oo ka dhacay meel u dhow isbitaalka ciidamada militari ee magaalada Kabul, caasimadda dalka Afghanistan.
Weerarradan waxaa dhanka kale ku dhaawacmay 43 ruux.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Afghanistan ayaa sheegtay in qaraxyada ka dib rasaas la is weydaarsaday.
Dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlay meel aan sidaasi uga fogeyn isbitaalka Sardar Maxamad Daud Khan sida laga soo xigtay goob joogayaal iyo afhayeenka ciidamada difaaca ee dalkaasi.
Ma jirto cid durbaba sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaasi.