Afduub laga gaystay jaamacad ku taalla Nigeria

0
509

Rag hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay afduub ka gaysteen jaamacad ku taalla magaalada Abuja ee wadanka Nigeria.
Waxay halkaasi ka kaxeysteen 4 ka mid ah shaqaalaha xaruntaasi iyo carruurtooda .
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday bayaan ka soo baxay jaamacadda iyadoo dhacdadaasi lagu tilmaamay mid naadir ah.
Dabayaaqadii sanadkii hore ayay ahayd markii burcad hubeysan ay sare u qaaday afduubka lagu bartilmaameedsado goobaha waxbarashada.
Falalkan ayaa si wayn u saameeyay waqooyiga galbeed ee Nigeria iyagoo qoysaska dadka ay afduubtaan ka dalbado madax furasho.