Waxaa lagu soo warramayaa in albaabada la isugu laabay dugsiga sare gabdhaha ee Buruburu ee magaalada Nairobi, ka dib markii 59 gabhdood isbitaalka la dhigay, iyadoo iskuulkaasi gelinkii dambe ee shalay uu dab ka kacay.
Xilliga dib loo furi doono dugsigaasi ayaa ilaa hadda caddeyn.
Waalidiinta ayaa lagu wargeliyay inay carruurtooda ay kawadaan iskuulka.
Taliyaha booliska ee saldhigga Buruburu Francis Kamau ayaa sheegay in aan si degdeg ah loo xaqiijin karin waxa sababay dabka.
Muuqaallo laga soo duubay goobta uu dabka ka kacay ayaa la arkayay arday badan oo ku lebisan dirayska iskuulka oo ka boodaya dhismaha dugsigaasi.
Dabkan ayaa la sheegay inuu bilowday xilli ay ardayda ay ku jireen goobta madadaalada ee iskuulka abaare 4:30 galabnimo ee shalay, halka qaar ay hurdayeen.
Dhanka kale xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Makadara ee ismaamulka Nairobi George Aladwa, ayaa ugu baaqay waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da iyo booliiska in ay baaraan waxa sababay dabka ka kacay iskuulka.
Waxaa uu sheegay in dugsigani uu yahay kii saddexaad ee sanadkan gudihiisa uu dab ka kaco ee deegaanka asaga laga soo doortay.
Mr. Aladwa ayaa intaa ku daray in loo baahan yahay in wax laga qabto arrinkan.