Maxkamadda racfaanka ayaa si ku meel gaar ah u hakisay amar dhawaan ka soo baxay maxkamadda sare dalka ee ahaa in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu muddo labo toddobaad ah uu ku soo magacaabo 6 garsoorayaal oo uu horay magacyadoodu dhinac iskaga dhigay.
3 garsoore oo dhageystay racfaanka uu madaxweynaha dalka ka gudbiyay arrinkan, ayaa soo saaray amarka ku meel gaarka ah.
Waxaa ay garsoorayaasha maxkamadda racfaanka sheegeen in cabashada uu madaxweynaha gudbiyay ay go’aan kasoo saarin doonaan 19-ka bishaan.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa ku adkeysanaya inay jiraan sababo dastuuri ah oo uu u cuskaday in magacyada 6 xaakin uu ka reebo liis dhan 40 oo loo gudbiyay si uu ugu magacaabo maxkamado kala duwan.
Waxaa uu horay hoggaamiyaha dalka u sheegay in garsoorayaasha kala ah Aggrey Muchelule, George Odunga, Weldon Korir iyo Joel Ngugi ay wajahayaan eedeymo dhanka habdhaqanka ah.
Amarkii Mr. Kenyatta loogu qabtay labo toddobaad ayaa waxaa soo saaray xaakiinnada kala ah William Musyoka, James Wakiaga iyo George Dulu .
Waxay sheegeen in haddii hoggaamiyaha dalka uunan fursaddan ka faa’iidaysan marka ay dhamaato muddada loo qabtay ka dib , xakiinnada loo aqoonsan doono kuwo magacaaban oo ka shaqeyn karo maxkamadda.
Home Wararka Kenya Maxkamadda racfaanka oo hakisay amar madaxweynaha dalka loogu qabtay in 14 cisho...