Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee baarlamaanka 11-aad

0
528

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamad Guuleed Khadar ayaa ku guuleystay mid kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ee gobollada waqooyi.
Mahdi Guuleed ayaa noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka ee soo baxa, waxa uu helay 97 cod xilli ergadii codeysay oo ahayd 101.
Waxaa kursiga kula tartamay Mushtaaq Ibraahim Yuusuf.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamad Guuleed ( Khadar) ayaa ka dib markii ay doorashadu dhammaatay la hadlay warbaahinta, isagoona muujiyay dareenkiisa sido kalena u mahaceliyay ergadii dooratay.
Kursiga labaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxaa ku tartamay laba xubnood oo kala ahaa Biixi Iimaan Cige oo horay ugu fadhiyay & Cabdiraxmaan Xasan Ismaaciil, waxaana kursiga markale ku guuleystay Biixi Iimaan Cige oo helay 91 Cod halka Cabdiraxmaan Xasan Ismaaciil uu helay 9 Cod, waxaana halaabay hal Cod.
Dhawaan ayaa la filayaa in guddiga maamulaya doorashada kuraasta Xildhibaannada Gobollada Waqooyi ee Somaliland inay dhameystiraan inta ka harsan kuraasta Golaha Shacabka ee Somaliland.