Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa inuu maanta ka qayb galo shirka ay soo qaban qaabisay qaramada midoobay ee looga hadlaya la tacaalidda isbeddelka cimillada.
Shirweynaha COP26 oo ah midkii 26-aad ayaa ka qabsoomaya magaalada Glasgow ee Scotland.
Warbaahinta dowladda ee KBC ayaa ku warramaysa in Mr. Kenyatta uu maanta oo ah 1-da bisha 11-aad uu mas’uuliyiinta caalamka faahfaahin ka siin doono dadaallada ay Kenya wax uga qabanayso saameynta isbeddelka ku yimaada cimillada.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu muujiyo sida ay Kenya maareynta dhibaatadan ugu hoggaaminayso gobolka.
Kenya ayaa sanadkii 2016-kii noqotay dalkii ugu horreeyay qaaradda Afrika ee ansaxiya xeerka isbeddelka cimillada.
Kenya ayaa adeegsata boqolkiiba 90 ee tamarta la cusbooneysiiya waxayna bartilmaameedsanaysa in sanadka 2030-ka ay gaarsiiso boqolkiiba boqol.
2-da bisha 11-aad ee sanadkan , madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa waxaa marti qaadi doono ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson.
Shirkaasi oo ay ka qayb geli doonaan madax kale laguna tilmaamay mid heer sare ah ayaa looga hadlayaa hal abuurka.
KBC ayaa ku warramaysa in orodyahaanka Eliud Kipchoge iyo madaxweyne Kenyatta ay xoogga saari doonaan in la qaado tallaabooyin lagu joojinaya xaalufinta keymaha.
Kipchoge ayaa safka hore kaga jiray ilaalinta keymaha wuxuuna dadaal geliyay badbaadinta keynta Kaptagat iyadoo Ingiriiska uu ugu deeqay lacag u dhiganta 550 milyan oo shilin.
Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo keymaha ee dalka ,Keriako Tobiko ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay shirweynaha COP26 oo uu sheegay inay khasab tahay inuu horseedo natiijooyin miro-dhal ah.
Bishii November ee sanadkii hore ayay ahayd markii ay Kenya iyo UK si wadajir ah u daahfureen iskaashiga sanadlaha ee wax ka qabashada arrimaha cimillada.
Saddexdii sano ee ugu dambeysay , Ingiriiska ayaa arrimaha la xiriira cimillada ee dalka ku qarash geliyay 22 bilyan oo shilin.