Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa kenyaanka ku boorriyay in sanadka soo socdo ay doortaan hoggaamiyeyaal aragti fog leh balse aynan marnaba oggolaan in loo far fiiqo mas’uuliyiinta matalaya.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay lagama maarmaan tahay in musharraxa fursad lagu siiyo sida ay uga go’an tahay mideynta bulshada.
Xilli uu shalay ku sugnaa Koonfurta ismaamulka Kajiado ayuu hoggaamiyaha labaad ee wadanka xusay in Kenya ay ku tallaabsatay horumar wax ku ool ah sidaas awgeedna aan dib loogu noqon karin siyaasadda kala qaybinta ku saleysan.
Waxaa uu ku celceliyay in marnaba aan lagu guulaysan karin hanjabaad, cabsi gelin iyo sida uu hadalka u dhigay adeegsiga hay’adaha caddaaladda.
William Ruto ayaa siyaasiyiinta ay wada tartamayaan kula taliyay inay ka tanasulaan isbeheysiyo siyaasadeed oo qabiil ku saleysan oo ay soo dhisaan xisbi qaran.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:William Ruto oo shacabka ugu baaqay in aan lagu cadaadin madaxweynaha ay...