Iyadoo maanta golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Soomaaliya ee shir ay yeesheen xilkii kaga qaadeen Agaasimihii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamad Aadan Koofi ayaa waxaa arrintaasi war kasoo saaray mas’uulkii xilka laga qaaday.
Agaasimihii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamad Aadan Koofi oo qoraal uu soo saaray waxaa u soo dhaweeyay xilka qaadistiisa.
Waxaa uu intaa ku daray in xilku meerto yahay.
Waxaa uu bogaadiyay mas’uulka Cusub ee xilka loo magacaabay.
“Xilalka iyo Shaqada Dowladda oo meerto ah awgeyd, waxaan soo dhaweynayaa xilka qaadistayda iyo magacaabista Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Cabdulqaadir Cilmi, waxaana ugu duceynayaa in uu Allah ku garab galo mas’uuliyadda culus ee loo igmadey”
“Mahad iyo bogaadinna waxaan u soo jeedinayaa madaxda Qaranka oo hay’adda u soo xulay nin dhallinyaro ah oo aan aaminsanahay in uu halkii ka sii wadi doono howlaha hay’adda” ayuu yiri Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamad Aadan Koofi.
Xilkii Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa loo magacaabay Cabdulqaadir Cilmi Cali.
Home Wararka Soomaaliya Muxuu ka yiri xilka qaadista lagu sameeyay agaasmihii hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha...