Ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka ee Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddiga fulinta wareegtadii madaxweynaha uu dhawaan soo saaray oo ku saabsaneyd arrimaha dhulka.
Wareegtadaasi madaxwaynaha ayaa ku qotoontay ilaalinta dhulka danta guud.
Guddiga uu ra’isul wasaaraha magacaabay ayaa waxa ay kala yihiin.
1: Wasiirka Arrimaha Gudaha Mukhtaar Xuseen Afrax Guddoomiye
2: Wasiirka Cadaaladda Cabduqaadir Maxamad Nuur
3: Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamad Nuur
4: Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab).