Hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee xisbiyada ANC, Wiper , KANU iyo Ford-Kenya oo ku midoobay isbeheysiga OKA ayaa maanta gaaray deegaanka Thika ee ismaamulka Kiambu.
Waxay halkaasi ka sameynayaan olole ay taageero kaga raadsanayaan shacabka gobolka bartamaha dalka.
Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in haddii ay sanadka 2022-ka ku guulaystaan hoggaanka dalka ay labo sano gudahood ku bixinayaan deymaha shisheeye.
Shalay ayay ahayd markii dhigiisa KANU , Gideon Moi uu shacabka ugu baaqay inay tixgeliyaan hadalkii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ee ahaa in aynan hoggaanka u dhiibin shakhsiyaad lunsanaya kheyraadka dowladda .