Xisbiga UDA oo warqad cabasho ah u qoray guddiga IEBC

0
423

Xisbiga United Democratic Alliance (UDA) ee lala xiriirinaya madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa warqad u qoray guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC.
Xoghayaha guud ee UDA Veronica Maina, ayaa dalbatay in wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred matiang’i iyo dhigiisa isgaarsiinta Joe Mucheru laga saaro guddiga qaabilsan isku dubaridka diyaar garowga doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Waxay labada wasiir ku eedeysay in aysan dhexdhexaad noqon karin maadaama ay muujiyeen inay taageerayaan madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo la filayo inuu u tartamo xilka madaxtinimada wadanka.
Mrs. Veronica ayaa ku doodaysa in Matiang’i iyo Mucheru ay ku xadgudbeen dastuurka dalka.