DHAGEYSO:Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada Soomaaliya oo ku baaqay in la saxo khaladaadka doorashada gobollada waqooyi

0
428

Guddiga xallinta khilaaafaadka doorashooyinka Soomaaliya ayaa ugu baaqay guddiga doorashada xildhibaanNada gobollada woqooyi ee Soomaaliya inuu saxo khaladaadka ka jira habraaca doorashada xildhibaanada gobollada waqooyi oo lagu wado in doorashadood dhawaan ka dhacdo magaalada Muqdisho.
Guddiga oo maanta ku qabtay magaalada Muqdisho shir ayaa waxay sheegeen inay guddigu daraasaad ay sameeyeen ku ogaadeen khaladaadka ka jira habraaca doorashada ayna ku baaqayaan in la saxo waxa khaldanaa, ayadoo la dhowrayo qodobbadii doorashada ee la isku raacay.

Hadalka guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya ayaa ku soo aadaya iyadoo Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka Soomaaliya ee muddo xileedkoodu dhammaaday sidoo kalena ku fadhiya mid ka mid ah kuraasta berri la dooran doono uu eedaymo u jeediyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku xigeenkiisa, iyo habka ay doorashada gobollada waqooyi u socoto.