Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudda dalka ee IEBC ayaa mar kale sheegay inuusan kordhin doonin muddada lagu diiwaangelinayo codbixiyeyeesha cusub.
Barnaamijkan oo soo billowday 4-tii bishan Tobnaad ayaa la soo gababeyn doonaa 2-da bisha 11-aad ee sanadkan.
Francis Wanderi oo ka mid ah saraakiisha sare ee IEBC oo warbaahinta kula hadlay ismaamulka Kericho ayaa sheegay in diiwaangelinta la soo xiri doono taarikhdii la qorsheeyay maadaama guddigu uunan haysan dhaqaale dheeraad ah oo uu howshan ku sii wadi karo.
Wanderi ayaa kenyaanka ku boorriyay inay ka faa’iidaystaan labada maalmood ee haray si ay isugu diiwaangeliyaan ka qayb qaadashada doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Sarkaalkan ayaa xusay in saddexdii toddobaad ee ugu horreeyay ay yarayd tirada shacabka ee u soo baxayay is diiwaangelinta balse toddobaadkan ay korortay.
Waxaa uu tilmaamay in ilaa iyo hadda dowlad deegaanka Kericho lagu diiwaangeliyay boqolkiiba 28 ee codbixiyeyeeshii la bartilmaameedsanayay.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC ayaa warbixintiisi ugu dambeysay ku sheegay inuu diiwaangeliyay boqolkiiba 17 ee tiradii la bartilmaameedsanayay iyadoo guddigu uu rajeynayo in tiradan ay gaarto boqolkiiba 35.