Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in la iska kaashado arrimaha amniga

0
370

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa soo jeediyay in qaramada midoobay , midowga Afrika iyo ururrada dhaqaale ee qaaradda ka jira ay ka wada shaqeyaan dib u cusbooneysiinta kaabayaasha dhanka amniga.
Waxaa uu xusay in tani ay horseedeysa in xal loo helo caqabadaha dhinaca xasiloonida guud ee wadamada ku yaalla qaaradda Afrika.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in hadii amniga la adkeeyo, fursad buuxda loo heli karo la tacaalidda caabuqa corona iyo saameynta ka dhalato isbeddelka ku yimaada cimillada.
Hadalkan ayuu hoggaamiyaha dalka ka jeediyay shir heer sare ah oo uu soo qabanqaabiyay golaha amniga ee qaramada midoobay.