Qoorqoor oo sheegay in cidna aysan ka aqbali doonin inay hub sharci daro ku haysato tuulo ka tirsan Galmudug

0
389

Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmad Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa mar kale ka hadlay dagaaladii Cuslaa ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Guriceel, kaasi oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidankii Ahlusunna Waljamaaca oo Magaaladaas isaga baxay.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa tacsi u diray dhammaan dadkii ku geeriyooday dagaaladii dhacay, halka kuwii ku dhaawacmay oo u rajeeyay Caafimaad.
Waxaa uu sheegay inay dhibaato soo gaartay dadkii shacabka ahaa ee ku barakacay Colaadii Guriceel.
Mr. Qoorqoor ayaa sheegay in Koox hubeysan oo wadata magaca Ahlusunna ay kusoo duushay amniga Galmudug, islamarkaana arrintaas ay tahay wax aan la aqbali karin, ayna dhowr jeer ka dalbadeen Guriceel oo ay qabsadeen inay si nabad ah uga baxaan, balse ay diideen.
Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa tilmaamay in cidna aysan ka ogolaaneynin inay si sharci darro ah hub ugu dhex haysato tuulo kamid ah Maamulkiisa.
Waxaa uuna Ahlusunna ka dalbaday inay si nabad ah ku raadiyaan waxa ay doonayaan.
Hadalkaan ayuu ka sheegay kulan xalay Magaalada Guriceel uu kula qaatay Maamulka magaalada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaas oo isugu jiray Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, Haweenka iyo dhallinyarada.