Barta baraha bulshada ugu caansan ee Facebook ayaa ku dhawaaqday inay iska beddeshay magaca lagu aasaasay, ayna la baxday Meta.
Waxaa ay sheegtay in tallaabadaan ay qayb ka tahay isbeddel wayn oo lagu sameynayo shirkaddan.
Waxaa waxbo iska beddelin adeegyada Facebook, Instagram iyo WhatsApp balse shirkadda wayn ee ay hoos imaadaan oo markii hore xitaa dusha sare ka ahayd Facebook ayaa loo yeelay magaca cusub.
Madaxa fulinta ee shirkadda Facebook Mark Zuckerberg ayaa sheegay inay sii badinayaan waxa uu magacooda ka dhigan yahay marka loo eego adeegyada ay qabtaan, kuwaasoo ka gudbay baraha bulshada oo hadda gaaray meelo kale sida muuqaallada qalabka indhaha la isu geliyo.
Tallaabadan ayaa daba socotay sheekooyin lagu weeraray Facebook oo lagu saleeyay dukumiintiyo uu soo dusiyay nin horay uga tirsanaa shaqaalaheeda.
Frances Haugen ayaa ku eedeeyay shirkaddan in ay badbaadada ka hormariso sidii ay dhaqaale ku heli lahayd.
Sanadkii 2015-kii waxaa sidan oo kale magaca looga beddelay shirkadda Google oo loo bixiyay Alphabet, hase ahaate magacaas cusub ayaan meeshiisa laga qaadin, ilaa haddana lalama qabsanin.
Waxay tani kusoo aaddeysa xilli horaantii bishan ay cillad ku timid adeegyada Facebook oo mar qura hawada ka baxay meelo badan oo ka mid ah caalamka.